Mikel Arteta Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Arsenal Ee Kulanka Sevilla Ee Champions League

0
108

Wareegga group-yada tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka ayaa badhtamaha maraya, waxaana la dheelayaa kulamadii saddexaad iyadoo min saddex kulan oo kale hadhsanaan doonaan.

 

Kooxda kubadda cagta Arsenal oo saddex dhibcood oo hore haysatay, balse usbuucii ugu dambeeyey ay kooxda reer France ee Lens kaga naxsatay guul lama-filaan ahayd, ayaa caawa kusoo laaban doonta garoomada, laakiin waxay gelayaan safar adag oo ay ugu tegaaan kooxda reer Spain ee Sevilla.

 

Arsenal oo muddo lix sannadood ah oo ay ka maqnayd tartanka Champions League dib ugu soo laabatay, laakiin ay muuqato in hadda ay tahay koox xooggan, ayaa waxa ay kasoo doogeen dhaawacyo ragaadiyey oo ay kaga maqnaayeen ciyaartii furitaanka ee PSV Eindhoven ee ay guusha kasoo gaadheen, taas oo ay seegeen Gabriel Martinelli iyo Thomas Partey.

 

23 ciyaartoy oo uu Mikel Arteta shaaciyey in uu ula safray garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium oo ay ku sugayso Sevilla oo ay ku wada-jiraan Group B ayaa waxa ka maqan Jurrien Timber oo dhaawac muddo dheer u jiifaya, laakiin waxa usoo laabtay Aaron Ramsdale oo ciyaartii Chelsea kaga maqnaa xaaskiisa oo umushay.