Haweenka barakacayaasha Baladweyne oo codsaday in loo dhiso xarumo caafimaad.

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)-Caqabadaha ugu badan ee ay la kulman haweenka uurka leh ee ku nool kaamamka magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka mid ah inaysan kaamamka aysan ka jirin xarun gaar u ah hooyada iyo dhalaanka oo loogu talo galay in lagu daweeyo ama lagu dhaliyo haweenka.

inta badan Arintaan ayaa keenta in haween badan ay ku dhalan guryaha islamarkana la kulman dhiig bax maadaama aysan awoodin inay bixiyaan lacagihii ay ku tagi lahayeen xarumaha caafimaad ee gaarka loo lee yahay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiya Maxamed Maxamuud.