Dad badan oo ku dhintay webi ku yaalla Congo.

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 40 qof ayaa ku qaraqmay Webi kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Webi mara galbeedka dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo, toddobaad kadib markii shil kan la mid ahaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 47 uu dhacy.

Doonta dadkan ay la socdeen ayaa ka sameysneed alwaax waxaana webiga ay ku degtay lagu magacaabaa ulonga.

Dadka doonta saarnaa ayaa badankood ahaa ganacsato waxaana ay ka soo laabteen marka uu shilku dhacayay suuq lagu magacaabo Mbandaka.

Tirada dhimashada ayaa lagu warramayaa in ay sare u kici karto, waxana la soo badbaadiyay in ka badan 200 oo qof, iyadoona wali la la’aa yahay dad kale oo saarnaa doonta.