Doorkii Uu Alejandro Garnacho Ka Qaatay Bad-Baadintii Andre Onana Ee Rikoodhadii Kulankii Copenhagen.

0
86

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga kooxda Man United ee Alejandro Garnacho ayaa xaday qalbiga taageerayaasha Man United kadib ficil uu sameeyay intii ay socotay kulankii Copenhagen ee champions League.

Man United ayaa 1/0 kaga badisay kooxda Copenhagen kulan ka tirsanaa champions League iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad ee tartanka.

Kooxda Man United ayaa 1/0 ku hogaminaysay ciyaarta.

Kooxda Copenhagen ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta heshay rikoodhe kadib markii uu xiddiga McTominay khalad ku galay xiddig kooxda Copenhagen ah.

 

 

Xilli ay xiddigaha Man United ku mashquulsanayaayeen la doodista Garsooraha xiddiga Alejandro Garnacho ayaa qabtay hawl kale isaga oo masaxay booskii uu garsooruhu u calaamadiyay in laga laagto rikoodhada taas oo keentay in laga qabto kooxda Copenhagen.