Qeybta maqal iyo muuqaal ah oo lagu soo kordhiyay barta X ee Twitter.

0
71

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkadda X (Twitter) ayaa ku dhawaaqday in Application-kan loo sameeyey qayb lagu wada xidhiidhi doono cod ama muuqaal sida Whatsapp-ka oo kale.

Adeeggan ayaa hadda ka billowday dalka Mareykanka, waxaana dhawaan loo gudbin doonaa dunida inteeda kale.

Maalqabeenka Mareykanka ee Elon Musk ayaa sannadkii 2022-kii shirkaddan baraha bulshada ku iibsaday lacag dhan 44 Bilyan oo dollar.

Bartan X oo markii hore loo yaaqanay Twitter ayaa markii hore lagu baahin jiray qoraallo, sawiro iyo muuqaal.