Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Barcelona

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)-Koxoda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo saartay liiska ciyaartoydeeda kulanka Barcelona ee El Clasico oo ah ciyaarta koowaad ee labada naadi ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedka 2023/24.

Jude Bellingham oo kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Champions League ee toddobaadkan horraantiisii ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee u safraysa gobolka Catalonia ee magaalada Barcelona martida ugu noqonaysa kooxda Barcelona.

Bellingham ayaa waxa ay jug kasoo gaadhay ciyaartii Sporting Braga ee ka dhacday waddanka Portugal, waxaana hore taam ahaanshihiisa u xaqiijiyey tababare Carlo Ancelotti.

Garoonka Estadio Olimpico de Montjuic ee Barcelona ay sida ku-meelgaadhka ah ugu guurtay markii ayaa abbaaro 5.15pm saacadda Geeska Afrika ay ciyaartu ka dhici doontaa, iyadoo Rodrygo Goes oo Salaasadii dib ugu soo laabtay dhalinta goolashu uu diyaar u yahay mar kale inuu isku muujiyo El Clasico.

Ciyaartoyda kaliya ee ka maqan Real Madrid waa difaaca reer Brazil ee Eder Militao iyo goolhayaha Belgium ee Thibaut Courtois oo dhaawacyo muddo dheer ah ku maqnaanaya, halka uu dib ugu soo laabtay Nacho Fernandez oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ganaax ku maqnaa.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee El Clasico

Goolhayeyaal: Lunin, Kepa iyo Diego Piñeiro.

Difaacyahanno: Carvajal, Alaba, Nacho, Lucas V., Fran García, Rüdiger iyo Mendy.

Khadka Dhexe: Bellingham, Kroos, Modrić, Camavinga, Valverde iyo Tchouameni.

Weeraryahanno: Vini Jr., Rodrygo, Joselu iyo Brahim.