Xarunta Hoowlgalka degdega caafimaadka oo laga dhagax dhigay Muqdisho

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay xarunta howlgalka degdega ee Caafimaadka Dadweynaha ahna xarunta guud ee waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madasha lagu dhagaxdhigayay waxaa goobjoog ahaa maamulka gobolka banaadir saraakiil ciidan iyo boqolaal shacab ah.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan