Shil dhimasho badan dhaliyey oo ka dhacay dalka Masar.

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay dalka Masar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Shilkan ayaa ka dhacay gobolka Beheira ee dalka Masar oo ku yaalla waddada isku xidha Qaahira iyo Aleksandria, oo 131km dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Qaahira.

Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhaawacmay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Wargeyska Al-Ahram ee dowladda ka soo baxa ayaa sheegay in shilkan uu ka dhashay bas rakaab ah iyo dhowr baabuur oo qaarkood uu dab qabsaday.

Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadku ay u dhinteen gubasho.

Ugu yaraan 20 ambalaas ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay, sida ay bayaan ku sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Isku dhaca gaadiidka ayaa ku badan Masar. Waddooyinka ayaa inta badan xaaladdoodu liidataa iyadoo aan la raacin xeerka waddooyinka.