Jude Bellingham Oo Noqday Halyeyga Real Madrid Oo LABA Gool Ku Dilay Barcelona

0
95

Baladweyne (Radio Beerlula)-IKooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waqti dambe ka takhalustay Barcelona oo ay ku garaacday 2-1, kulan uu laba jeer shabaqa soo taabtay Jude Bellingham oo qaybtii labaad dhaliyey laba gool, isla markaana saddex dhibcood oo muhiim ah u hadiyeeyey Los Blancos.

Jude Bellingham ayaa noqday xiddiga kooxdiisa Real Madrid ee guusha soo laabashada ah gaadhsiiyey, iyadoo uu halkiisa kasii wato dhalinta goolasha.

Qalad difaac oo ay Real Madrid samaysay daqiiqaddii lixaad ayaa sababay gool Ilkay Gundogan hoggaanka ugu dhiibay kooxda garoonkeeda joogtay, hase yeeshee Jude Bellingham ayaa kaga jawaabay gantaal uu meel fog ka toogtay, ka hor intii aanu helin goolka labaad oo uu kubadda ka dhax-saaray lugaha goolhaye Ter Stegan.

Kubbad uu si qaldan difaacyaahannada dhaxdooda u dhigay ayuu Ilkay Gundogan la hortegay goolhaye Kepa oo uu dhinac ka dhigay, waxaana uu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqaddii 6aad ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa uu nasiibku la baxsaday daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta, markaas oo uu Fermin Lopez darbad uu toogtay ay birta ku dhacday, isaga oo kubaddana ka boobay Toni Kroos.

Bedello degdeg ahaa oo uu sameeyey Carlo Ancelotti ayaa Real Madrid siiyey awood ay ku maamulato ciyaarta qaybtii labaad, iyaga oo dhawr jeer kubadda bannaanka kaga garaacay goolka.

Daqiiqaddii 68aad ayuu Jude Bellingham meel fog ka toogtay kubbad uu shabaqa ku hubsaday oo uu goolhaye Ter Stegen awoodi waayey in uu joojiyo, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 1-1.

Barcelona oo uu beddel ugu yimid Robert Lewandowski oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo u jiifay ayaa u dhowaatay inay mar kale hoggaanka qabato, iyadoo xiddiga reer Poland uu kubbad birta dul-mariyey.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Real Madrid ay dhalisay goolka guusha oo uu u saxeexay Jude Bellingham oo xerada ganaaxa ka helay kubbad uu ka dhax-saaray lugaha Ter Stegen, sidaasna uu hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

 

Guushan ayaa waxay ka dhigan tahay, in Real Madrid ay kusoo laabatay hoggaanka horyaalka LaLiga oo ay kala wareegtay Girona oo si ku-meelgaadh ah u sii qabatay Jimcihii, waxaanay Los Blancos yeelatay 28 dhibcood iyadoo farqiga goolasha kaga horreysa Girona, halka Barcelona ay afar dhibcood ka dambayso oo ay haysato 24 dhibcood.