Manchester City Oo Garoonka Old Trafford Dhax Jiid-jiidday Man United Iyo Onana Oo Ismuujiyey

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa 3-0 ku burburisay Manchester United oo ay dhax jiidjiidday garoonka Old Trafford oo ay ku booqatay, halkaas oo Erling Haaland uu laba gool kusoo dhaliyey, isla markaana saddex dhibcood ay kasoo qaateen.

Manchester United ayay u ahayd maalin madoow oo ay ciyaartoydoodu awoodi waayeen in ay is-difaacaan, kubadda la qaybsadaan amaba ay abuuraan fursado ay goolal u keeni karayaan, inkasta oo Rasmus Hojlund uu ka lumiyey kubaddii ugu cadcaddayd ee goolka loo filan karayay.

Erling Haaland ayaa rikoodhe ku furay ciyaarta kaddib qalad uu Rasmus Hojlund ku galay Rodri oo boobayay kubbad laad xor ahayd oo lasoo tuuray, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Haaland oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Onana.

Manchester City ayaa u qalmaysay inay ugu yaraan saddex gool dhaliso qaybta hore, laakiin United ayaa waxay nasiib ku lahayd in uu caawa u dheelayey goolhaye Andre Onana oo badbaadiyey in ka badan shan kubbadood oo goolal caddaan ah noqon lahaa oo feejignaantiisa, booska uu joogay iyo qaabka uu ciyaarta u akhrinayey uu ku joojiyey.

Ederson ayaa dafiray fursad cajiib ahayd oo McTominay uu ka diiday inuu ku barbarreeyo; ciyaarta waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, laakiin Onana ayaa badbaadintii qarnia sameeyey oo kubbad madax ahayd ka qabtay Haaland, taas oo keentay in natiijada qaybta hore ay ku koobnaato hal gool.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Manchester City sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana gool labaad u dhaliyey Erling Haaland oo madax ku qabtay kubbad uu Bernardo Silva kasoo qaaday dhinaca bidix.

Waxyar kaddib waxa badbaadin kale oo heersare ahayd sameeyey Onana oo uu weeraryahanka reer Norway ula tegay kubbad, taas oo uu kusoo baxay Onana oo ay wajiga kaga dhacday markii uu gacmaha fidiyey.

Toban daqiiqadood iyadoo ay ka hadhsan tahay ciyaarta ayay Manchester City keentay goolka saddexaad oo uu dhaliyey Phil Foden oo helay kubbad awood badnayd oo uu Rodri ku toogtay goolka oo uu soo celiyey Onana, taas oo uu goolka hortiisa ka helay Haaland oo u dhiibay Foden oo isaguna dhamaystiray.

Manchester United ayay taageereyaasheedu garoonka ka baxeen markii goolka saddexaad laga dhaliyey, iyadoo Antony iyo Martial oo beddel ku yimid dhamaadkii ay kaliya kusoo talo-galeen inay dagaallamaan maadaama aanay waxba ka beddeli karayn ciyaarta.