Shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-Muuqaalo lagu soo duubay diyaaradda Drone-ka ayaa muujinaya dhibaatadii ka dhalatay shil tareen oo ka dhacay Hindiya.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen xilli ay marayeen gudaha degmada Vizianagaram fiidnimadii Axadda.

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha gurmadka ayaa goobta tagay.

Baaritaan horudhac ah ayaa lagu ogaaday in “khalad dhacay” uu sababay shilka, sida ay sheegeen saraakiishu.