Xuska Malinta magaalooyinka Adduunka oo maanta dunida looga dabal degayo.

0
124

Baladweyne (Radio Beerlula)-Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta Magaalooyinka Adduunka waa maalin ay Qaramada Midoobay u asteeysay in la xuso sannad walba 31ka Oktoobar maanta oo kale.

Maalinta Magaalooyinka Adduunka waxaa la aasaasay 27kii Diseembar 2013 kadib markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu go-aamiyay in la bilaabo xuska maalintan 2014

Ujeedka Maalinta Magaalooyinka Adduunka waa in kor loo qaado danaha bulshada caalamka ee magaalooyinka caalamiga ah si loo helo iskaashiga wadamada Adduunka , wax ka qabashada caqabadaha magaalooyinka, iyo ka qayb qaadashada horumarinta magaalooyinka

Cabdiwali Xasan Dirir oo kamid ah masuuliyiinta dowlada hoose ee degmada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimadda maalintan iyo waxa uga qorsheysan hormarinta magaalada

Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa radio Beerlula uga waramay sid ay uga qeyb qaataan nadaafadda iyo hormarka magaalada

Mawduuca guud ee Maalinta Magaalooyinka Adduunka waa Magaalo Wanaagsan, iyo Nolol fiican, iyadoo sannad kasta la xusho mawduuc hoosaad ka duwan si kor loogu qaado guulaha magaalooyinka, ama caqabadaha gaarka ah ee ka dhasha magaalooyinka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.