Tirada dadka ka tahriibaya dalka Pakistan oo korodhay.

0
85

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sicir bararka sareeya ee Pakistan iyo hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaas ayaa dhaliyey in dad badan ay iskaga tahriiban dalkaasi.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2023, ilaa saddex iyo toban kun oo qof ay ka tageen Pakistan si ay u aadaan Liibiya ama Masar.

Halka sanadkii tagay ay tiradu dadkaas ay ahay ku dhawaad toddobo kun oo qof.

Safarrada noocaa ah ee dadka inta badan galaan waa kuwo khatar leh.

Bishii June ee sanadkan, boqollaal tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon yar oo kalluumaysi oo ku degtay xeebaha dalka Giriiga.

Waxaa lagu qiyaasay in doontan ay saarnaayeen ugu yaraan 350 Pakistani ah.