Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa marti u noqonaysa kooxda Bournemouth kulan ka tirsan Carabao cup-ka iyada oo Reds doonayso in ay sii wadaan guulaha.
Xiddiga Luis Diaz ayuu wali shaki ku jiraa in uu ciyaari karo sabab la xidhiidha in waalidkii la afduubtay todobaadkan.
Klopp ayaa la filayaa in uu si badal weyn ku sameeyo kooxdiisa isla markaas nasiyo xiddigihii ciyaaray kulankii Bilowga todobaadka
Goolhaye Kelleher ayaa la filayaa in uu ku bilowdo Goolka kooxdiisa kulanka isaga oo badali doona Goolhaye Allison oo ah dookha 1-aad.
Dhinaca kale Gakpo ayaa la filayaa in uu markii ugu horaysay ku bilowdo shaxda kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac soo gaadhay.
Halkan kaga bogo shaxda ay Liverpool kaga hor tagi karto kulanka Bournemouth:
Kelleher; Gomez, Quansah, Matip, Chambers; Elliott, Endo, Jones; Salah, Nunez, Gakpo