Maalinta caalamiga ee joojinta isla xisaabtan la’aanta xadgudubyada ka dhan ah saxafiiyinta oo maanta dunida laga xusayo.

0
55

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Shirkii guud ee 70aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu meelmariyay in sannad kasta 2-da bisha November oo maanta ku beegan dunida laga xuso maalinta caalamiga ah ee Joojinta Isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Laga soo bilaabo sannadkii 2013, xuska caalamiga ah Joojinta Isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta ayaa diirada lagu saara sidii loo horumarin lahaa wada hadalada wax ku ool ah ee dhexmara dhammaan jilayaasha ku lugta leh la dagaalanka ciqaab la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo xirfadlayaasha warbaahinta.

Sannadkan, xuska ugu weyn ee maalinta caalamiga ah ee joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta ayaa ka dhici doonta 2-3 November 2023 xarunta Ururka Mareykanka (OAS) ee Washington D.C, waxaana diiradda lagu saari doonaa tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta. hufnaanta doorashada, iyo doorka hoggaaminta dadweynaha.

Maadaama saxafiyiintu ay door muhiim ah ka ciyaaraan sameeynta warbixinada xaqiiqda ah una soo gudbiyaan muwaadiniinta oo dhan, ciqaab la’aanta werarada ka dhanka ah waxay leedahay saameyn gaar ah oo dhaawaceysa, xaddidaysa wacyiga dadweynaha iyo doodaha wax dhisaya.

 

Qaar ka mid ah wariyasha ka howlgala magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo sida xal loogu heli karo.

Qaar ka mid ah dhalinyarada bulshada rayidka ee magaalada Baladweyne uga waramay doorka ay ka qaatan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulman saxafiyiinta.

Taliye ku xigeenka saldhiga booliska magaalada Baladweyne Xidigle Axmed Cali Bin Cali ayaa Radio Beerlula u sheegay inay ku dadaalan sidii looga hortagi lahaa tacadiyada loo geysto saxafiyiinta.

Intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020, in ka badan 1,200 oo saxafiyiin ah ayaa lagu dilay adduunka oo dhan, iyadoo ku dhawaad 9 ka mid ah 10 kii kiis ee dilalkan ah ay weli yihiin kuwo aan wax xal laga gaarin ama aan loo ciqaabin kuwii geystay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.