Urdun oo u yeeratay safiirkeeda ka fadhiya Tel Aviv

0
68

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dalka Urdun ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee ay xurguf diblomaasiyadeed soo kala dhex gasho dalka Israa’iil.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Urdun ay u yeeratay danjiraheeda ka fadhiya Tel Aviv, ayadoo ka caraysan dhibaatada xoogga leh ee bani aadminimo ee ka dhalatay magaalada Qaza.

Boqortooyadaas ku taal bariga dhexe waxay sheegtay kaliya inay soo celinayso danjiraheeda marka Israa’iil ay joojiso mushkiladda bani’aadminimo ee ay abuurtay.