Xubin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo shaqadii iska casilay Falastiin darteed.

0
59

Baladwayne (Radio Beerlula )-Agaasimaha xafiiska New York ee Qaramada Midoobay ee gaar ahaan qaybta xuquuqda aadanaha Craig Mokheiber ayaa ku eedeeyay Maraykanka, Ingiriiska iyo wadamada Yurub in raali ka yihiin werarada wuxuushnimada ah ee Israa’iil ka wado Gaza.

Shaqadiisa ayuu joojiyay isaga oo ka qayb qaadanayay mudaharaad ka dhacayay Maraykanka oo dhan.

Craig Mokheiber ayaa sheegay in Mareykanka uu ku fashilmay Inuu ka hortago “xasuuq lagu hayo dadka reer Falastiin.”

“Tani waxay noqon doontaa xiriirkii ugu dambeeyay ee aan idinla lahaa ka gaasime ahaa,” ayuu Craig Mokheiber ku yiri qoraal u soo saaray.

Hay’addaha xaquuqda aadanaha ayaa xalaadda ka jirta Qasa ku tilmaamay xasuuq lagu hayo dadka reer Falastiin.