Golaha wasiirada Hirshabelle oo ansixiyay degmooyin cusub

0
56

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulan lagu meelmarinayay degmooyin cusub oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Degmooyinka cusub ee la meelmariyay ayaa waxaa kamid ah Halgan, jawiil, Ceel Cali, Ceelbaraf’ Alkowsar , Jiliyaale kaddib markii Wasaaradda arimaha gudaha Hirshabelle ay horgeeysay golaha wasiirada.

Degmooyinkan la ansixiyay ayaa waxaa lagu wadaa in la horgeeyo golaha baarlamaanka Hirshabelle si ay u meelmariyaan .

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.