Tobanka Kooxood Ee Haysta Ciyaartoyda Ugu Qaalisan Kubadda Cagta Oo La Shaaciyey – Arsenal Oo Ku Biirtay Liiska €1 Bilyan

0
88

Baladwayne (Radio Beerlula )-Arsenal ayaa ka mid noqotay toban kooxood oo kaliya oo safka ciyaartoydoodu uu gaadhay ama ka sarreeyo qiimaha €1 bilyan oo Euro, kaddib markii ay xagaagii sameeyeen is-xoojin oo ay xiddigo cusub kusoo kordhiyeen safkooda.

Saxeexyada Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber ayaa Arsenal sabab ugu noqday in safkeedu uu ka qiime sarreeyo €1 bilyan oo Euro, sida ay muujinayso xog ay baahisay shabakadda qiimaynta xogta suuqa ee Transfermarkt

Manchester City ayaa ah kooxda haysata safka ugu qiimaha badan, waxaana ciyaartoydeedu ay ku fadhiyaan qiime lacageed oo gaadhaya €1.26 bilyan oo Euro, halka Arsenal oo labaad fadhida ay iyaduna tahay €1.10 bilyan oo Euro.

Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa ah labada kooxood ee kale ee sare u dhaafay min €1 bilyan oo Euro, waxaanay ku kala jiraan saddexaad iyo afraad, iyadoo PSG ay ku jirto booska saddexaad oo ay tahay €1.07 bilyan oo Euro iyo Real Madrid oo €1.03 bilyan oo Euro ah.

Chelsea ayaa safkeedu uu yahay shanaad oo €999 milyan oo Euro, halka Bayern Munich ay safkeedu marayaan €948.15 milyan oo Euro.

Halkan kaga bogo tobanka kooxood ee safkoodu ugu qiimaha badan yahay

  1. Manchester City – €1.26 bilyan
  2. Arsenal – €1.10 bilyan
  3. Paris Saint-Germain – €1.07 bilyan
  4. Real Madrid – €1.03 bilyan
  5. Chelsea – €999 milyan
  6. Bayern Munich – €948.15 milyan
  7. Manchester United – €877.30 milyan
  8. Liverpool – €877.30 milyan
  9. Barcelona – €862 milyan
  10. Tottenham – €747.60 milyan