Xulka Qaranka Brazil Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Dheemanka Real Madrid Ee 17 Jirka Ah Ee Lagu Daray

0
134

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xulka qaranka Brazil ee ciyaaraha bisha November ayaa lagu dhawaaqay, waxaana lagu soo daray dheemanka da’da yar ee Real Madrid ee Endrick Felipe oo ay da’diisu tahay 17 jir, kaas oo bisha July soo gaadhi doona Real Madrid.

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Fernando Diniz ayaa waxa u yeedhay Endrick Felipe oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaarihii usbuucyadii ugu dambeeyey oo uu dhaliyey dhawr gool oo xaasaasi ahaa.

Xulka qaranka 17-jirrada Brazil ayuu Endrick Felipe hore ugu soo ciyaaray oo uu u dhaliyey shan gool, laakiin waxa aan hore loogu yeedhin xulka 20-jirrada Brazil isaga oo u dallacay xulka qaranka ee waaweyn.

Endrick Felipe ayaa Palmerias u saftay 54 ciyaarood oo kooxda koowaad ah, waxaana uu u dhaliyey 14 gool, iyadoo laba jeer uu shabaqa soo taabtay ciyaartii Botafogo ee toddobaad ka hor, iyadoo ay kooxdiisu guul soo laabasho oo 4-3 ah gaadhay, iyadoo lagu hoggaaminayay 3-0.

Xulka qaranka Brazil ayaa la ciyaari doona Argentina iyo Colombia 17ka iyo 22ka November, waxaana ay iska garab ciyaari doonaan Rodrygo iyo Vinicius Junior oo iyagana lagu soo dary xulka.

Xulka qaranka Brazil oo dhamaystiran

Goolhayeyaal : Alisson (Liverpool), Ederson (Manchester City), Lucas Per ri (Botafogo)

DifaacyahannoBremer (Juventus), Gabriel (Arsenal), Marquinhos (PSG), Nino (Fluminense), Emerson Royal (Tottenham), Carlos Augusto (Inter), Renan Lodi (Marseille).

Khadka DhexeAndré (Fluminense), Bruno Guimarae s (Newcastle), Douglas Luiz (Aston Villa), Joelinton (Newcastle), Raphael Veiga (Palmeiras).

Weerarka : Rodrygo (Real Madrid), Gabriel Jesus (Arsenal), Martinelli (Arsenal), Joao Pedro (Brighton), Paulinho (Atlético Mineiro), Pepé (Porto), Raphinha (Barcelona), Vinicius (Real Madrid) and Endrick (Palmeiras ).