Kulan looga hadlayay ka hortaga cudurada ka dhalan kara fatahaadaha oo lagu qabtay Muqdisho

0
137

Baladwayne (Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa shir guddoomiyey kulan ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha Wasaaradda oo looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan kara daadadka iyo fatahaada ka socda qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Kulanka Waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Guuleed Cabdijaliil, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka Madaxqeebeedyada, iyo maamulayaasha Mashaariicda Wasaaradda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi,