Barcelona Oo Guul-darro Loo Xambaariyey Iyo Lacagtii Sucuudiga Oo Ka Shaqayn Weyday Jarmalka

0
95

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laga horjuoogsaday in ay u gudubto wareegga 16ka Champions League, waxaana dhaxda u gashay Shakhtar Donetsk oo 1-0 ku garaacday, taas oo keentay in ay isku soo dhowaadaan kooxaha ku wada jira Group H.

Gool madi ah oo dhamaadka qaybta hore uu kooxda reer Ukraine madax meel-fog ah ugu dhaliyey Danylo Sikan oo uu goolhaye Ter Stegen gaadhi kari waayey kubadda, ayaa waxa uu noqday midka kaliya ee labada kooxood kala saaray.

Shakhtar Donetsk ayaa ka aargoosatay Barcelona oo si xun u xasuuqday kulankoodii hore, waxaanay taasi keentay in Barca ay haysato 9 dhibcood oo ay hoggaanka kusii negaato halka FC Porto iyo Shakhtar Donetk ay labaad iyo saddexaad ku kala jiraan.

Barcelona ayaa haddii ay guuleysa  lahayd waxay yeelan lahayd 12 dhibcood, waxaanay noqon lahayd kooxdii ugu horreysay ee  xilli-ciyaareedkan u gudubta wareegga 16ka Champions League.

Dhinaca kale, Borussia Dortmund ayaa 2-0 ku karbaashtay Newcastle United oo ay taageereyaasha Jarmalku lacag been-abuur ah oo ay ku dacaayadaynayaan Sucuudiga ay garoonka ugu soo daadiyeen.

Laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen Fullkrug iyo Julian Brandt ayaa Borussia Dortmund u go’aamiyey guusha, halka Newcastle United ay awoodi weyday inay shabaqa soo taabato.

Dortmund ayaa ciyaartii hore ee ka dhacday waddanka Ingiriiska waxay 1-0 kusoo garaacday Newcastle United oo hadda kaalinta saddexaad uga dhacday hormada dhimashada ee F.