Nin qaniinay Yaxaas soo weeraray si uu isaga badbaadiyo

0
85

Baladwayne (Radio Beerlula )-Nin beeraley ah oo u dhashay dalka Australia ayaa sheegay inuu leeyahay nasiib uu ku sii noolaado kadib markii uu iska dhiciyay yaxaas weerar ku soo qaaday.

Ninkan oo dhaqda lo’ada oo lagu magacaabo Colin Deveraux, ayaa muddo hal bil ah ku jiray isbitaal kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray xayawaankaas oo dhererkiisu ahaa 3.2m.

Colin ayaa sheegay inuu isha ka qaniinay yaxaaska, isagoo isku deyayay inuu badbaado.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu isku dayay inuu feeraha ka haraantiyo yaxaaska ka hor intuusan ka qaniinin qeybta dambe.