Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay.

0
92

Baladwayne (Radio Beerlula )-Waxa la soo afjaray kulamadii 4-aad ee wareega champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kooxaha Arsenal, Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa dhamanatood badiyay kulamadoodii.

Dhinaca kale kooxda Man United ayaa guuldaro lama filan ah kala kulantay kooxda reer Denmark ee Copenhagen

Hadaba Halkan Kaga Bogo Xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii champions League.

1.Manchester United ayaa laga badiyay kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League oo ay markii ugu horeysay ku hogaaminayaan 2+ gool. Dhammaan tartamada, tani waxay ahayd guuldaradii ugu horeysay ee Red Devils ka dib markii ay labo gool ku hogaamineysay tan iyo bishii Sebtember 2014 markaasoo ay guuldaro 4/2 ah kala kulantay Leicester City.

2.Manchester United ayaa laga badiyay sagaal ka mid ah 17-kii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo 1973-74, taasoo aheyd xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee ay u laabteen heerka labaad.

3.Roony Bardghji waa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya Manchester United tartanka UEFA Champions League (17 sano, 358 maalmood).

4.Bukayo Saka ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal ee gool dhaliya mid kalena caawiye ka noqda 2 kulan oo xidhiiidh ah champuons League tan ilaa Cesc Fàbregas oo sidaas sameeyay kulamo uu ka hor yimid Sevilla iyo Slavia Prague 2007-08.

5.Manchester United waa kooxdii ugu horeysay ee rikoodhe lagu dhigo 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee furitaanka tartanka UEFA Champions League.

6.Man Utd waa kooxdii ugu horeysay ee laba gool dhalisa, ciyaaryahan laga saaro, laguna dhigo rigoore qeybtii hore ee ciyaarta UEFA Champions League tan iyo Bayern Munich oo ay la ciyaareen Man City bishii November 2014.

7.Marcus Rashford ayaa la siiyay kaliya casaankiisii ​​labaad 374 kulan oo uu Manchester United u saftay tartamada oo dhan waana midkii ugu horeeyay tan ilaa bishii September 2018 v Burnley.

8.Rasmus Højlund waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee shan gool u dhaliya afartiisii ​​kulan ee ugu horeysay ee Champions League Man United, Isaga oo jira 20 sano iyo 277 maalmood, waa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee laba gool ka dhaliya tartanka UEFA Champions League ee Red Devils.

9.Rasmus Højlund ayaa afartii kulan ee ugu horeeyay ee UEFA Champions League u saftay Manchester United afar gool, waana goolkii ugu badnaa ee uu dhaliyay afartiisii ​​kulan ee ugu horeeyay Red Devils tartankan isaga oo bar-bareeyay Dimitar Berbatov.

10.Dhammaan shantii gool ee Leandro Trossard ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ee Arsenal Waxaa caawiyay Bukayo Saka, waana caawinta ugu badan ee hal ciyaaryahan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

11.Rasmus Højlund waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee reer Denmark ah oo gool ka dhaliya koox reer Denmark ah tartanka UEFA Champions League.