Saynisyaano sheegay in hoos loo dhigi karo xawaaraha gabowga.

0
124

Baladwayne (Radio Beerlula )-Saynisyahanadu waxay magacaabeen sideed cabbir oo gabowga hoos u dhigi kara ilaa lix sano.

Talaabooyinkan waxaa ka mida helidda hurdo caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah inuu gaabiyo xawaaraha gabowga ee bayloojiga jirka.

Ilaalinta miisaanka jirka, sonkorta, dhiigga, kolestaroolka, iyo dhiig karka ayaa ah kuwo u baahan inaad la socoto adigoo ilaalinaya hurdada caafimaadka leh, nidaamka cuntada iyo samaynta dhaqdhaaq jireed oo joogto ah.

Cabitaan la’aanta sigaarka waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa geeddi socodka gabowga ilaa lix sano sida ay sheegeen khubarada Maraykanka.

Daraasad la sameeyay ayaa soo jeedinaysa in marka la raaco tillaabooyinkan ay kor u qaadayso caafimaadka wadnaha, taas oo iyaduna hoos u dhigi karta xawaaraha gabowga noolaha ilaa lix sano.

Natiijooyinkan oo ku salaysan xogta in ka badan 6,500 oo qaan-gaar ah oo celcelis ahaan da’doodu tahay 47, ayaa lagu soo bandhigay Shirarka Kalfadhiyada Sayniska ee Maraykanka.