Chelsea 1-3 Man City, Liverpool 2-0 Brentford – Saadaasha Dimitar Berbatov Ee Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan

0
96

Baladwayne (Radio Beerlula )-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa uu galay usbuucii 12aad oo marka la dheelo loo bixi doono fasaxa kulamada caalamiga ah ee bisha November oo lagu maqnaan doono hal toddobaad oo ay fasax noqonayaan dhamaan horyaalladu.

Kulamada toddobaadkan ayaa noqonaya ka hor ciyaarihii ugu dambeeyey ee caalami ah ee la dheelayo sannadka 2023, waxaana ballansan kooxo waaweyn oo la sugayo natiijooyinkooda.

Manchester United waxay soo dhoweyn doontaa Luton Town oo kusoo booqanaysa Old Trafford, waxaana ciyaartani ay imanaysaa maalmo kaddib natiijadii murugada lahayd ee Red Devils ay kala soo kulantay FC Copenhagen oo kusoo garaacday 4-3 kulan ka tirsanaa tartanka Champions League.

Man United waxay u baahan tahay inay guuleysato ciyaartan, si ay uga badbaadaan in ay murugo ku galaan fasaxa ugu dambeeya sannadka 2023.

Arsenal iyo Tottenham ayaa tijaabooyin mari doona, waxaanay Gunners la ballansan tahay Burnley halka Tottenham oo si xun loo garaacay Isniintii oo ay Chelsea ku tumatay ay marti u noqon doonto Wolves.

Ciyaar kale oo si weyn loo sugayaa waa Manchester City oo safar ugu tegaysa Chelsea, waxaana khabiirka ciyaaraha Dimitar Berbatov oo kulankan saadaaliyey uu libin farxadeed siiyey City, halka Stamford Bridge uu ugu sii bushaareeyey natiijo murugo leh.

Halkan kaga bogo saadaasha Dimitar Berbatov ee kulamada toddobaadkan

Wolves 1-2 Tottenham

Arsenal 3-0 Burnley

Crystal Palace 1-1 Everton

Man United 2-0 Luton

Bournemouth 1-1 Newcastle

Aston Villa 3-1 Fulham

Brighton 2-0 Sheffield United

Liverpool 2-0 Brentford

West Ham 1-0 Nottingham Forest

Chelsea 1-3 Manchester City