Hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo shir degdeg ah ka yeeshay Qaza

0
58

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Hogaamiyayaasha wadamada Carabta iyo kuwa Muslimka ah ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga iyagoo ka wada hadlay colaadda ka taagan marinka Qasa iyo dhibaatada Israa’iil ku heyso shacabka Falastiin.

Xubnaha ka hadlay shirkan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa sheegay in loo baahan yahay in caalamka Islaamka oo dhan ay u midooban islamarkana midnimadaasna lagu xalin karo dhibka ka jira Qasa.

Sidoo kale amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa beesha caalamka ku canaantay inay ka aamusan yihiin dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee reer Falastiin halka ay Israel u ogolaatay inay ku xad gudubto sharciga caalamiga ah.

“Waxa ka dhacaya Qaza waa khatar dhab ah oo heer kasta ah. Kuwani waa dhacdooyin aan horay loo arag. Sidee bay ku dhacday in duqaynta isbitaallada ay u noqdaan weerar caadi ah.”ayuu yiri Amiirka Qatar.

Hogaamiyayaasha wadamada Carabta iyo kuwa Muslimka ah ayaa ku baaqay in xabad joojin deg deg ah laga hirgeliyo marinka Qasa si loo badbaadiyo shacabka Falastiin.