Ciyaartoy laga xulay degmooyinka gobolka Hiiraan oo ka ambabaxay Baladweyne

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Ciyaartoy laga soo kala xulay degmooyinka gobolka Hiiraan oo ka qeyb gali doonaa tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Baladweyne.

Xubno ka tirsan guddoonka isboortiga gobolka Hiiraan iyo bahda ciyaaraha ayaa ciyaartoydan oo gaaraya 12 ka sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

12-kan ciyaartoy ayaa kala ah.

1.abdfitax saadaq cumar.
2 cabduqadir maxamed Yusuf
3. maxamed salaad cabdi.
4. Yusuf Geele ilmi.
5.Axmad nuur macalin feesal.
6.: C/casiis osmaan axmed
7: Maslax xayir mataan.
8.: Abdalah adan ahmed.
9.Mahad maxamed xuseen. .
10.kaafi maxamed farax. .
11.mahir libaan omar. .
12.Maxamed cabdi iidoow

Ciyaartoydan maanta ka ambabaxay Magaalada Baladweyne ayaa ku biiri doonaa ciyaartoy laga soo xulay gobolka shabellaha dhexe, waxana inta ka harsan tartanka ay qaadan doonaan tababar, iyagoona matali doonaa Hirshabeelle.