Kulan looga hadlayay daadka ku rogmaday Gaalkacyo oo lagu qabtay Garoowe.

0
75

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada  goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay .

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay
Guddigii Wasaariirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaadda Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin