Taliska Booliska Baladweyne oo war kasoo saaray marista Buunda-Koowad

0
61

Baladwayne (Radio Beerlula )-Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Kabtan Cabdullaahi Maxamuud Siyaad ayaa sheegay in si ku Meel gaar ah loo Joojiyay dhamaan Isticmaalka Buundada Loo yaqaaano Nuurxawaad.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamo gaar ah la geeyn Doono Bire kuwaas oo dadka ka Celinayo In ay maraan Buundadan oo ah Meesha ugu halista badan biyaha Fatahaada ah.

Taliyaha ayaa sheegay in maalin walba Biyaha ay ka qaadan Buundada Dad Kala duwan kuwaas oo qaar lasoo badbaadiyo Halka kuwa Kalena iyaga oo meeyd ah lasoo saar, Sidaasna ay kusoo saareeyn Amarkan lagu Joojinayo isticmaalka Buundada.

Ugu Dambeeyn Booliska ayaa sheegay in dadka u baahan in ay maraan Buundada Nuurxawaad Booliska ay ka qaadan karaan Fasax, si loo hubiyo badqabkooda.