Shirkaddaha ugu waaweyn dunida oo isku dayaya in ay shirkadda Elon Musk ku qasbaan hakinta hadalada lagu taageerayo Gaza

0
98

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Iyadoo ay kordhayaan hadallada looga soo horjeedo Israa’iil ee la dhigayo barta X oo horey loo oran jiray Twitter ayaa shirkaddaha waaweyn ee Maraykanka ee kala ah IBM, Apple, iyo Disney waxay joojiyeen xaysiiska ay ku daabici jireen bartan oo uu leeyahay Alon Musk.

Go’aan kan ayaa yimid kaddib markii Elon Musk oo ah milkiilaha X iyo ninka dunida ugu qanisan uu ogolaaday qoraal ka hadlaya mu’aamarooyinka yuhuuda, isagoo sahlay in la daawado lagana jawaabb celiyo.

Elon Musk ayaa diiday in qoraalkan uu muujinayo yuhuud naceyb, wuxuna ku goodiyay in uu dacwad ka furi doono arintan.

Wuxu soo hadal qaaday cilmi baaris ay sameysay koox Maraykan ah oo garabka bidix ah oo la yiraahdo “Media Matters for America” kuwaas oo sheegay in ay caddeeyeen in iidhehyada shirkaddaha caanka ah lagu soo bandhigo qoraallo lagu amaanayo naasiyiintii, iyagoo xiganaya haddallo uu horey u yiri Adolf Hitler hoggaamiyihii Naasiga Jarmalka.