Uganda oo lagu arkay xanuun cusub oo aan weli la aqoonsan

0
61

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mas’uuliyiinta caafimaadka Uganda ayaa baaraya cudur aan la aqoonsan oo dalkaasi ka dilaacay isla markaana haleelay ugu yaraan 12 qof muddo labo toddobaad gudahood ah, waxa lagu arkay degmada Kyotera ee gobolka dhexe.

Bukaannada ay saameeyeen waxaa ka soo baxay nabro maqaarka ah kuwaas oo sii kordhayay, ka hor inta aysan dhiman maalmo gudahood. Dadka qaar ayaa lugaha ka bararay.

Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa baartay qaar kamida dadkii xanuunka u dhintay.

Natiijooyinkiisa ayaan wali dadweynaha lala wadaagin.

Saraakiisha caafimaadka ee degmada ayaa sheegay in bukaannada qaar ay daweyn u doonanayeen dhaqaatiir dhaqameed halkii ay tagi lahaayeen goobaha caafimaadka.

Waxa ay sheegeen in ay aad u adkeyd in bukaanada qaar laga hor istaago in ay sidaa sameeyaan maadaama aan la aqoon cudurka.