Hay’adda Sodma oo lagu wareejiyay deeq gar gaar kala duwan ah

0
105

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta waxa uu shixnad mucaawino gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH oo ah Hay’add Turki ah kana shaqeysa caawinta iyo bini’aadamnimada.

Deeqdan ayaa ka kooban Raashin, Marakaneeco, Baco ay roobka ka galaan Qoysaska ka barakacay daadadkaan, iyo fatahaadaha iyo Qaybaha kala duwan ee Macuunta.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan