Paul Merson Oo Magacaabay SADDEX Ciyaartoy Oo Chelsea Ay Ku Qasban Tahay Inay Kusoo Bilowdo Kulanka Newcastle

0
80

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa isku dayaya inuu ka caawiyo tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino sidii uu guul uga keeni lahaa ciyaarta adag ee Sabtida ay martida u noqonayaan Newcastle United, waxaana uu u tilmaamay saddex ciyaartoy oo ay qasab tahay inuu kusoo bilaabo haddii uu doonayo inuu guul ka keeno kulankaas.

Chelsea ayaa tegi doonta St. James’ Park iyadoo ciyaartoydeedu niyad fiican ka heleen barbarrihii ay kulankii ugu dambeeyey la galeen Man City ka hor intii aan loo bixin fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Blues iyo Newcastle United ayaa waxa ay mid walba u dagaallami doontaa sidii ay u gaadhi lahayd guul, si ay ugu soo dallacaan kaalmaha sare, iyadoo Newcastle ay ku jirto kaalinta toddobaad oo ay lix dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta afraad fadhida, iyadoo Chelsea oo 10aad ku jirtaa ay afar dhibcood kasii hoosayso Newcastle.

Mauricio Pochettino oo ka hadlay ciyaartan, ayaa waxa uu u sheegay tababare Pochettino, in aanu marnaba kala reebin oo uu kusoo wada bilaabo saddexda weeraryahan ee Cole Palmer, Nicolas Jackson iyo Raheem Sterling marka ay booqanayaan Newcastle United.

Saddexdan ciyaartoy oo isku-darkooda dhaliyey 16 gool, sidoo kalena caawiyey lix gool oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdoodu dhaliyeen, ayaa uu is-faham badan ka dhexeeyaa, waxaana Paul Merson yidhi: “Haddii Chelsea aan wax goolal ah laga dhalinin 30 daqiiqadiid, waxay noqon doontaa arrin xiise leh. Markaa waa ciyaar aad u weyn.

“Ciyaartoyda Chelsea waxay bilaabayaan inay la qabsadaan qaabka Mauricio Pochettino. Waxay bilaabeen in kooxdu ay hadda tartanto. Laakiin haddii ay doonayaan inay natiijooyin ka keenaan, waa in ay kusoo bilaabaan Nicolas Jackson, Raheem Sterling iyo Cole Palmer. Sterling iyo Palmer waxay ku jiraan qaab fiican, waxaanay mar kale noqonayaan fure.”