Dani Alves Oo Lagu Xukumayo SAGAAL Sannadood Oo Xadhig Ah

0
90

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Difaacii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxaha Barcelona & Sevilla ee Dani Alves ayaa waajahaya sagaal sannadood oo xadhig ah oo uu jeelka ku qaadan doono, haddii lagu helo dembiga loo haysto ee ah inuu kufsaday gabadh ay ku kulmeen goob lagu caweeyo.

Dani Alves ayaa jeelka loo taxaabay bishii January ee horraantii sannadkan sii dhamaanaya, waxaana uu illaa hadda ku jiraa xabsiga iyadoo ay socoto dacwadda iyo dhegaysiga kiiskiisa oo marxalado badan soo maray.

Falka ayaa ka dhacay hotel lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Barcelona, waxaase uu laacibkani beeniyey inuu sameeyey wax qalad ah, isaga oo maxkamadda horteeda ka sheegay in isaga iyo gabadha uu u xidhan yahay ay raalli iskaga ahaayeen inay gogol-dhaaf sameeyaan maadaama uu isagu lahaa xaas isla markii la xidhayba ka dalbatay furriin.

Afar jeer ayaa la sheegay in uu Dani Alves isbeddel ku sameeyey dooddiisa, waxaana xeer ilaalinta Spain ay dalbadeen in laacibkan hore lagu xukumo sagaal sannadood oo xadhig ah iyo lacag dhan €150,000 Euro oo magdhow loo siinayo gabadha dhibbanaha ah ee kufsiga lagula kacay.

Dani Alves oo ay da’diisu tahay 40 jir, ayaa waxa markii la xidhay ay kooxdiisa reer Mexico ee Pumas ay burburisay heshiiskii ay kula jirtay.