Shiinaha oo lix waddan u ogolaanaya dal-ku-gal bilaash ah

0
41

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shiinaha ayaa tijaabinaya dal-ku-gal bilaash ah oo uu u ogolaanayo lix waddan.
Dalalkaas ayaa kala ah Fransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Holland, Spain iyo Malaysia.
Qorshahan ayaa socon doona muddo sannad ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha.

Laga bilaabo bisha Diisembar ee sanadkan ilaa 30ka Noofembar ee sanadka 2024-ka, dadka haysta baasaboorka caadiga ah ee wadamadan waxay ku ganacsan karaan ama waxay u safri karaan Shiinaha Viiso la’aan muddo ilaa 15 maalmood ah.

Dadka u safra dalka Shiinaha ayaa haatan waxaa qasab ku ah inay heystaan dal-ku-gal si ay u galaan dalkaas.