Ururka Caafimaadka Adduunka oo ‘aad uga walaacsan’ bukaannada Cusbitaalka al-Shifa

0
77

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay sida ugu dhaqsaha badan uga shaqaynayso daad gureynta cisbitaallada waqooyiga Qaza

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay inay “aad uga walaacsan yihiin badqabka 100-ka bukaan iyo shaqaalaha caafimaadka ee ku haray al-Shifa”.

Dr Mohamed Ghoneim, oo la hadlay BBC, wuxuu ka shaqaynayay isbitaalka al-Shifa ilaa maalmo ka hor.

Waxa uu isku dayay in uu la tashado bukaannadii iyo asxaabtiisa cusbitaalka si uu u ogaado in ay u suurtagashay in ay ka baxaan balse uma suurta galin ilaa hadda in uu helo.