Wado cusub oo laga dhagax dhigay Magaalada Kismaayo.

0
88

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laamiya oo 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin