Sare u kac ku yimid qiimaha la iibiyo qudaarta suuqyada Baladweyne.

0
101

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Suuqa lagu iibiyo qudaarta oo ku yaalla xaafadda Buundaweyn ee magaalada Baladweyne ayaa laga dareema sara ukac xoogan oo ku yimid qiimaha qudaarta kadib markii ay adkaatay sidii suuuqa lagu keeni lahaa qudaar.

Qudaartan ayaa lagu Keena gaari dameero iyo doomo kuwaasi oo kasoo qaada galbeedka xaafadda Hoolwadaag ee Baladweyne.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.