Qoysas ka barakacay fataahada Baladweyne oo xaalado nolol Xumo ku wajahaya Degmada Farlibaax.

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qoysaskan oo ka barakacay qeybo kamid ah Magaalada Baladweyne iyo deegaanada hoosyimaada isla markaana ku nool degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan ayaa xiligan wajahaya xaalad nolol xumo oo ay kamid tahay hoy-laan caafimaad daro iyo raashiin la-aan.

Barakacayaashan ayaa saameyn kala kulmay fatahaadda wabiga shabelle waxaana xiligaan ay u haahanyihiin gurmad deg deg ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.