Cudurka daacuunka oo ka dilaacay Itoobiya

0
79

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay daacuun ka dilaacay bulshooyinka ku barakacay fatahaadihii dhawaan ka dhacay bariga Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda samafalka ee Save the Children.

War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii hay’adda gargaarka ee fadhigeedu yahay UK ayaa lagu sheegay in in ka badan 770 xaaladood oo daacuun ah la xaqiijiyay laba toddobaad gudahood gobolka Soomaalida, oo ah meesha ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee aan caadiga ahayn.

Roobabkan ayaa saameeyay 1.5 milyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya oo dhan iyadoo tirada lagu qasbay inay guryahooda ka baxaan ay gaareyso 600,000, Qaramada Midoobay ayaa tiri.

Laakiin kaliya 10% dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa hadda helaya gargaar iyada oo Itoobiya ay wali la daalaa dhacayso goldaloolooyinka dhanka maaliyadda ah, ayay raacisay.