In ka badan afar kun oo qoys oo deeq raashin ah loogu qeybiyay deegaanka Lafoole.

0
87

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaaa deegaanka Lafoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay gargaar ugu qaybisay 4,350 Qoys oo kamid ah dadka deeganadodii uga soo barakacay Daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Qoysaskaan ayaa dhawaan waxa ay ka soo barakaceen deeganada kala ah Sabiid, Caanoole,Mubaraak, Awdhigle iyo tuuloyin kale oo hostaga degmada Afgooye, waxaana maalmihii danbe ay wajahayeen xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.