Xaalado caafimaad darro oo soo food saaray dadka ka barakacay fatahaadda Baladweyne.

0
91

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dr Maxamad Cabdi Salaan oo kamid bahda caafimaadka ee Baladweyne oo u waramay Radio Beerlula ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka ka barakacay fatahaadda wabiga shabelle ay xiligaan soo wajahday xaalad caafimaad darro kadib markii biyaha ay ka dhasheen cuduro kala duwan.

Xanuunada ugu daran ee xiligan ay la il-daranyihiin dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa kamid ah Malaariyada, Jadeecada iyo Shuban biyoodka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim