Tirada dadka ku dhintay fatahaaddaha ku dhufatay dalka Kenya oo kordhay.

0
112

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in daadad xooggan oo ka dhashay cimilada ee El NiƱo ay ku dhinteen 120 oo qof gudaha Kenya, halka ku dhawaad 90,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahoodii.

Qiyaastii ugu dambeysay ee dhimashada Kenya ayaa laba jibaartay, iyadoo roobab mahiigaan ah oo da’ay kadib abaartii ugu darneyd ee soo marta afartankii sano ee lasoo dhaafay ay qarqiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Kumannaan guri ayay waxyeello soo gaartay, dhul-beereedka ayaa biyuhu fariisteen.

Halka tobanaan kun oo xoolo ah ay qaadeen daadadka, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.