Tobannaan Muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda u dhaxaysa Faransiiska iyo Ingiriiska.

0
114

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Boqol iyo sagaashan muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay xeebta Calais ee waqooyiga Faransiiska tan iyo habeenkii jimcaha xili ay isku dayayeen inay ka gudbaan kanaalka Egland.

Dadkan ayaa saarnaa doonyo si ay u gaaraan Britain, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Faransiiska, inkastoo aanay sheegin halka ay ka yimaadeen muhaajiriintaasi.

Kanaalkan waa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida, qulqulka biyahuna aad ayay u xoog badan yihiin.

Tahriibinta bini’aadamka ayaa caadi ahaan buux dhaafiya doomaha, iyaga oo si dhib yar u sabbaynaya badda dusheeda, illaa hirarku ku dhuftaan oo ay qalibmaan marka ay doonayaan in ay gaaraan xeebaha Ingiriiska.