Qoysas danyar ah oo ka barakacay fatahaadda Baladweyne oo deeq raashin ah loogu qeybiyay deegaanka Ceel jaale.

0
62

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ee maamul Gobaleedka Hirshabeele Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan saraakisha Ciidamada Qalabka Sida ee Booliska NISA iyo Masuuliyiin Ka’tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan , ayaa deegaanka Ceeljaale oo ku yaalo duleed Baladweyne deeq Timir iyo biyo ugu qaybiyay qaar kamid ah qoysaskii ka kabarakacay fatahaada Magaalada Baladweyne.

Deeqdaana ayaa waxa ay ka koobneed Timirta Noocyadeeda kala duwan iyo Biyo.

Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey.