Maxkamad ku taal galbeedka Afrika oo diiday codsi ay Niger u soo gudbisay.

0
99

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamad ku taal galbeedka Afrika ayaa diiday codsi uga yimid Niger oo ahaa in laga qaado cunaqabateynta la saaray kadib afgambigii July.

Hogaamiyaasha militariga ayaa ka cawday in wadamada ku jira ururka ECOWAS ay si xad dhaaf ah uga fal celiyeen talaabadi ay qaadeen iyaga oo soo rogay xayiraadaha.

Waxay sheegeen in Niger loola dhaqmay si aan cadaalad ahayn marka la barbar dhigo saddex waddan oo kale oo ay afgambiyada ka dhaceen sannadihii u dambeeyay sida Mali, Burkina Faso iyo Guinea.

Askartii xilka ka qaaday madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa sheegay in cunaqabateyntan oo ay ka mid yihiin xirnaanshaha xuduudaha iyo dhaqaale xumo ay dadka ku abuurtay dhibaato dhaqaale oo daran.