WHO oo meelmarisay qaraar lagu dalbanayo in gargaar degdeg ah in la gaarsiiyo Gaza

0
69

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wadamada xubnaha ka ah Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa meel mariyay qaraar ay ku dalbanayaan in si degdeg ah daawo u gaarto Gaza.

Tallaabo aan caadi ahayn, guddiga fulinta ee WHO ayaa ku kulmay fadhi degdeg ah si ay uga wada hadlaan waxa agaasimeheeda guud Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ka digay inay tahay masiibo caafimaad – iaydoo dhaawacyo badan ay jiraan dad, iyo khatar sare oo ah in uu cudur faafo .

Qaraarkan ayaa ku baaqaya in si degdeg ah Gaza loo gaarsiiyo gargaar aan la carqaladayn, iyo in kuwa dagaallamaya ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah. Taas macnaheedu waa in aan weerar lagu qaadin isbitaalada ama shaqaalaha caafimaadka.

Waxay kaloo dalbanaysaa in dhammaan – la haystayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta ay helaan daryeel caafimaad.

WHO ayaa ka digtay in shuruudaha qaraarku ay noqon doonaan wax aan macquul aheyn in la fuliyo xabad joojin la’aan.