Dibad baxayaal ku xoomay xarunta aqalka baarlamanka Hindiya.

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)-Booliska magaalada Delhi ee caasimadda dalka Hindiya ayaa xabsiga dhigay labo qof oo mudaaharaadayaal ah, kaddib markii ay ku boodeen xarunta aqalka hoose ee baarlamaanka dalkaasi, xilli uu ku jiray kalfadhiga.

Labada nin ayaa sidoo kale qiiq jaale ah ka buufiyay qasac. Saraakiisha ayaa sheegay in aysan wax dhib ah geysan. Aqalka ayaa la xiray muddo kooban kadib dhacdada.

Laba qof oo kale oo bannaanka hore ee xarunta baarlamaanka ku qabtay mudaaharaad iyaga oo wata caagadaha Gaaska ayaa iyagana xabsiga la dhigay. Ilaa hadda ma cadda sababta ka danbeysa mudaharaadka.