Somaaliya oo laga cafiyay deyntii lagu lahaa

0
86

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo uu saarnaa culeyska lacag dhan $5.2Billion.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey guushan weyn ah, ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan. taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in caawa ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii ka hortaagnayd dalka horumarka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Hoos ka dhageeyso Codka Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre